Saamaynta bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya oo aad loo hadal-hayo.

Thursday November 05, 2026 - 10:15:14
MeMO Staff
Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal-haysa bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, iyadoo arrintaasi laga dhiibinayo saadaal isku mid ah oo ku aaddan fashilka DF Soomaaliya iyo guud ahaan beesha caalamka oo muddo badan duullaan siyaasiya iyo mid millateri ka waday Soomaaliya.
Warbixin saacadihii lasoo dhaafay ay tebisay wakaaladda wararka AFP, isla markaana ay sii xigteen qaar ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer waddanka Uganda, ayaa lagu sheegay in bixitaanka ciidamada Uganda uu soo dedejin karo in kooxda Al-Shabaab ay gebi ahaanba la wareegto Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegtay in mintidiintu ay sii xoojin doonaan taqadumkooda Soomaaliya, kana faa’idaysan doonaan bixitaanka ciidamada Afrikaanta. Waxaanay xustay in arrintaas lafteeda uu qiray taliyaha guud ee ciidamada AUSSOM, Janaraal Sam Kavuma.

"Al-Shabaab hore ayay sidaas u samaysay, waxaana aaminsanahay inay weli samayn karto. Dagaalyahan kasta oo ku jira goob dagaal wuxuu mar walba ka faa’iidaysanayaa fursad kasta oo soo baxda,” ayuu Janaraal Kavuma ku yiri wareysi uu siiyay warbaahinta maxalliga ah.

Ibraahim Xassan, oo ah ganacsade ku sugan magaalo-xeebeedda istaraatiijiga ah ee Baraawe, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in uu filayo in kooxdan dagaallamayaashu ay dhawaan qaadi doonaan weerarro waaweyn.

CabdiQaadir Axmed oo ah arday jaamacadeed oo ku sugan caasimadda Muqdisho, ayaa isagoo la hadlaya AFP, waxa uu yiri "Shaki kuma jiro in Al-Shabaab ay isu diyaarinayso inay ka faa’iidaysato firaaqada amni ee ay ka tagayaan ciidamada shisheeye ee ka baxaya dalka”

Falanqeeyayaasha ayay warbixintu sheegtay in iyaguna ay ka digayaan in bixitaanka ciidamada Uganda uu kordhin karo filashada ah in kooxda Al-Shabaab ay la wareegto deegaanno muhiim ah oo dowladda federaalku ay hadda maamusho, sida caasimadda Soomaaliya ee Muqdihso.

Hadal-hayntan ayaa imanaysa kadib markii maalmo ka hor Uganda ay si rasmi ah u bilowday in ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya, arrintaas oo walaac xooggan ku abuurtay kooxda Villa Soomaaliya iyo sidoo kale hawl-galka AUSSOM laftiisa.

Related Items

Update cookies preferences